UNICEF oo sheegtay in abaarta darteed ay Soomaaliya qarka u saaran tahay musiibo aan la arag

0
291

Xaaladda abaarta ee ka jirta dalka Soomaaliya ayaa si weyn looga dayrinaya, iyadoo hay’adaha Caalamiga ah ay muujinayaan walaacii ugu waynaa ee ku aaddan xaaladda kumanaan Soomaali ah oo qarka u saaran dhimasho, ka dib markii Abaaraha ka jira wadankaasi ay gaareen xaalado halis ah.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF  ayaa sheegtay in haatan ay Soomaaliya ku dhufatay Abaartii ugu xumayd, waxaana ay intaa ku dartay in daqiiqad kasta Hal qof oo ilmo yar ah la seexiyo isbitaallada daweynta nafaqo-darrada.
“Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daweynta nafaqo-darrada Soomaaliya, halkaas oo abaar ba’an ay khatar ku tahay inay sababto dhimashada carruurta heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni” ayuu yiri afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF.
James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid kasii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen in ka badan 250,000 oo qof.
Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag.