Ergay gaar ah uu madaxweyne Farmaajo u diray Jaamacadda carabta oo la kulmay xoghayaha guud ee ururkan

0
764

Xoghayaha guud ee Jaamacadda carabta Axmad Aboul Gheit, ayaa maanta xaafiiskiisa ku qaabilay wasiir dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalim Khaliif islamarkaana ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Wasiir dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalim Khaliif ayaa xoghayaha guud ee jaamacadda carabta la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo doorka Jaamacadda carabta ay ka qaadato taageerida Soomaaliya iyo xasiloonida dalkaasi.
Wasiirka ayaa sidoo kale xoghayaha guud ee Jaamacadda carabta la wadaagay warqad ka socota madaxweyne farmaajo, taas oo u ku muujiyey kalsoonida uu ku qabo taageerada ay dowladda Soomaaliya ka hesho jaamacadda carabta in ay sii socon doonto iyadoona xilligan gobolada qaar ee dalka Soomaaliya ka jirta abaar baahsan sidoo kale cudurka Covid-19 uu ku soo laba kacleeyay dalkaasi.
Xoghayaha guud Jaamacadda carabta Axmad Aboul Gheit ayaa caddeeyay sida buuxda ee ay jaamacada carabta uga go’an tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya gaar ahaan sare u qaadida amniga iyo xasiiloonida, taas oo u saamaxaysa inay ka hortagaan kooxaha argagixisada ee ka dagaalama dalka Soomaaliya ee Al-Shabaab iyo sidoo kale dadaallada dib loogu soo celinayo dib usoo kabashada dhaqaale ee dalkaasi.
Mr Abuul Gheit ayaa wasiir dowlaaha madaxtooyada Soomaaliya kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada la sameeyay ee lagu dhiirigelinayo laguna guuleysanayo wadahadalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah si dalka ay ooga dhacdo doorasho nabdoon oo loo wada dhanyahay iyadoo loo daneenaya danta shacabka Soomaaliyeed.