DHAGEYSO:Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo beeniyay warar laga baahiyay safarka uu uu ku marayo qaaradda Yurub

0
327

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku jooga magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Madaxda wadankaasi.
Kulamadii ugu dambeeyay ayaa uu la qaatay dhigiisa dalka Austria Wolfgang Sobotka, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan labada dal ee Soomaaliya iyo Austria.
Xildhibaan Maxamad Sheekh Cabdullaahi Cusmaan (Janeraal Ciiroow) oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa beeniyay warar maalmihii la soo dhaafay aad loogu faafinayay Baraha Bulshada oo qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ay shaacinayeen oo ahaa in Guddoomiyaha uu Madaxda dalka Austria kala hadlayo arrimo ku saabsan u doodida dadka isku jinsiga ah ee is guursanaya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu booqdo waddamo kale oo ku yaalla qaaradda Yurub, islamarkaana Madaxda dalalkaasi uu kala hadlo arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, sida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo wax ka qabashada Abaarta.