Waxaa ay maanta ku beegan tahay 5 sano guuradii ka soo wareegtay qarixii lagu hoobtay ee magaalada Muqdisho caasimadda dalka Soomaaliya ka dhacay galab sabti ahayd 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2017-kii
Dhacdadaasi ayaa dhibaato ka soo gaartay dad lagu qiyaasay 1,500 o qof kuwaas oo isugu wax dhintay,wax dhaawacyo qaarkood aad halis u ahaayeen ay soo gaareen iyo dad hantidooda ku waayay balse waxaa xusid mudan in dhibaatadaas ka dib wali shacabka Soomaaliyeed ay wajahaan dhibaatooyin amni oo ka soo gaaraya kooxaha nabadda ka soo horjeeda oo aan u hiilinayn dhismaha adeegyada dowladnimo iyo hormarinta kaabayaasha muhiimka ah ee bulshada.
Soomaaliya waxaa jira dhinacyo badan oo ay hormar ka samaysay iyo tallaabooyin dhanka wanaagsan loo qaaday balse dadkii ay sida gaarka ah u saamaysay dhacdadii 14-kii Oktoobar wali qalbiyadooda kama go’an saamayntii ay arintaasi ku yeelatay.
Xuska 14-ka Oktoobar waa maalin murugo leh oo lagu xasuusto wixii Soobe ka dhacay waxaana loo sameeyo dadkii naftooda iyo hantidooda ku waayey qaraxii Soobbe oo 5 sano ka hor ka dhacy Magaalada Muqdisho, kaas oo reebay xasuus lama iloowaan ah oo aan ka go’een qalbiyada umadda sanado badan ku soo jirtay dagaallo sokeeye oo doonayay inay u gudbaan nidaam sal adag oo horseeda nabad iyo barwaaqo ay wadankooda kula noolaadaan.
Dhacdadan oo lahayd naxdin iyo amakaag, ayaa sababtay in maalin qura ay dhibaatooyin isugu jiray dhimasho,dhaawacyo iyo burbur hanti ay soo gaaraan dad ku dhow kun iyo shan boqol oo ahaa kuwo meherado ganacsi ku lahaa isgoyska Soobe iyo dad lugaynayay, dad baabuur saarnaa iyo kuwa adeegyo u soo doontay suuqa balse aan dib ugu noqon qoysaskoodii.
Sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya inay dhinteen in ka badan 500 oo ruux, islamarkaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaareen ku dhawaad 300 oo qof, halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo ilaa hadda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux galabtii qaraxaasu dhacayna ay dad ugu danbaysay balse la aaminsan yahay inay ku gubteen dab xoogganaa oo qaraxaas ka dhashay.
Dhibanayaashii qarixii Soobe waxay tahay nasiib darrada ugu daran ee ilaa iyo hadda ay dareemayaan in kuwii dhibaatada intaa la eg gaystay aan wali cadaaladda adduunka la horgeenin aysana jirin cid kula xisaabtantay xasuuqaasi.
Qaraxaasi foosha xun ee ay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ka dambeeyeen kooxo nabad-diid ah oo adeegsada fikirka guracan, waxaa jira dad wali la nool saameynti ka soo gaartay ee dhan nafeed iyo dhan dhaqaale walow ay dowladdu sheegtay in dadkaasi qaar ka mid ah garab istaag loo muujiyay.
Jawaabo ay bixiyeen dadka Soomaaliyeed,ayaa dhalisay in loo gurmado ehellada qaybihii bulshada ee la kulmay dhibaatooyinka qaraxaasi,waxaana tallaabadaasi lagu tilmaamay mid muujineysa damiirka iyo dhaqanka suuban ee ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaasi kaalin mug leh ka qaadatay gurmadkii qarixii Soobe waxaana madaxda qaranka ay dadkii dhaawacyada ahaan u shubeen dhiigooda sidoo kale waxaa jirtay taageero dibada ah oo dowladda Turkigu ugu horreysay taas oo qaraxa ka dib saacado yar Muqdisho keentay diyaarad wayn oo ay daawooyin saarnaayeen sidoo kalena xeeldheereyaal caafimaad sidaa laguna qaaday tiro ka mid ah dadkii qabay dhaawacyada halista ah.
Khuburrada ammaanka ayaa Dowladda iyo shacab Soomaaliyeed ugu baaqay inay xil wayn iska saaraan sidii mudnaanta loo siin lahaa amniga wadanka, maadaama la aaminsan yahay in bulsho mideysan oo diyaar u ah ilaalinta dalkooda dowladdana garab ka helaya ay ku dhaqaaqi karaan tallaabooyin guulaysta oo looga kabsado mahadhooyin horay loo soo maray.