Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Maxkamadda Nigeria oo meesha ka saartay dacwadda madaxa kooxda gooni u goosadka

Maxkamadda Nigeria oo meesha ka saartay dacwadda madaxa kooxda gooni u goosadka

Maxkamadda racfaanka ee dalka Nigeria ayaa meesha ka saartay waxyaabo lagu soo eedeyay madaxa koox gooni u goosad ah Nnamdi Kanu.
Waxaa go’aanka maxkamadda isku raacay dhammaan saddexda garsoorayaal ee kiiskan dhageysanayay.
Xaakinnada ayaa dhinac iskaga dhigay ilaa toddobo eedeymo oo ku saabsan argagixisannimada oo ka dhan ahaa Kanu.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in eedeysanaha la soo afduubay oo si aan sharci ahayn dib loogu celiyay Nigeria xilli uu ku sugnaa Kenya.
Maxkamadda ayaa sheegtay in aan la raacin geeddisocodka habboon ee tarxiilka.
Madaxa maxkamadda racfaanka ee Nigeria ,Oludotun Adefope Okojie ayaa sheegay in sidaas awgeed tuhmanaha uu xor yahay.
Bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii maxkamadda sare ee Nigeria ay sheegtay in loo baahan yahay in Kanu la maxkamadeeyo.
Waxaa uu hoggaamiyaa bulshada (IPOB), oo ay dowladda Nigeria u aqoonsan tahay argagixiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments