Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweyne ku xigeenka dalka oo baaq u diray dhallinyarada Afrika

Madaxweyne ku xigeenka dalka oo baaq u diray dhallinyarada Afrika

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Rigathi Gachagua oo shir uga qayb galay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali ayaa dhallinyarada ku nool qaaradda Afrika kula taliyay inay u istaagaan qabashada xilalka hoggaanka ee waddamadooda.
Waxaa uu sheegay in tani ay dardargelin karto qorshaha horumarinta dhaqan-dhaqaale ee qaaradda.
Baaqan ayuu soo jeediyay xilli uu ka hadlayay kulanka isku xirka da’yarta Afrika oo sanadkiiba mar la qabto.
Shirkan ayaa waxaa sanadkan ka qayb galaya 9000 oo dhallinyaro ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in sanadka soo socdo ee 2023-ka inuu ka qabsoomo caasimadda Kenya ee Nairobi.
Rigathi Gachagua ayaa ku celceliyay in dhallinyarada ay yihiin mustaqbalka qaaradda Afrika oo ayna awoodaan inay sameyaan wax kasta oo ay ku qaadan karto si ay horumarka qayb uga noqdaan.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xusay in boqolkiiba 60 dadweynaha ku nool Afrika ay dhallinyaro yihiin sidaas awgeedna aynan cudur daar u heli karin inaysan qaban jagooyinka hoggaanka.
Waxaa uu sheegay in xilligii doorashadii guud ee bishii Siddeedaad, kenyaanka ay muujiyeen rabitaankooda hoggaamineed oo ay dhallinyaro u soo doorteen boqolkiiba 33 ee kuraasta baarlamaanka.
Waxaa uu dhanka kale madaxweynaha dalka Rwanda ,Paul Kagame ku bogaadiyay inuu dhiirigeliyo dhallinyarada Afrika.
Waxaa uu uga mahadceliyay in dalka Rwanda 10 sano oo isku xigta lagu qabanayay shirka hadda ka socdo Kigali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments