Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Warbixinno Dheeraad ah Gabadha yar oo Soomaali Kenyaan oo lagu abaalmaariyay 2 milyin oo shilin...

Gabadha yar oo Soomaali Kenyaan oo lagu abaalmaariyay 2 milyin oo shilin ka dib markii ay ku guuleysatay tartan Qur’aan

Tartanka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta.
Waxaa tartankaasi ka qayb galay arday ka kala socota caalamka, oo ay ku jiraan kuwo u dhashay Soomaali.
Muniira Cabdulfataax Cabdi oo ay da’deedu tahay 15 sano, ayaa ka mid noqotay ardayda Soomaalida ah, ee kaalin wanaagsan ka galay tartanka.
Waxaa ay wax ka barata dugsiga hoose dhexe Mus’ab Educational Centre ee xaafadda Islii deegaanka Kamkunji ee ismaamulka Nairobi.
Hooyada dhashay Muniira oo layiraahdo Deeqo Mukhtaar, ayaa ka hadashay guusha gabadheeda iyo waqtigii ay ku soo bixisay.
Deeqo ayaa sheegtay iney si wayn ugu faraxsan tahay guusha ay gaartay gabadheeda, iyadoo gaar ahaan xustay sida ay gabadheeda uga soo dhalaashay xifdinta Qur’aanka.
Waxaa ay xustay inay ka caawin jirtay gabadheeda dhanka duruusta, iyo xilliyida ay xaadireyso iskuulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments