Xilli shalay gabal dhici ciidamo ka tirsan ha’yada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo xireen xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed Cabdalla Axmad Muumin ayaa waxaa si adag walaac kaga muujiyay madaxda warbaaahinta madaxa bannaan iyo ururrada u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Muqdisho Ururrada Saxaafadda iyo Madaxda Warbaahinta Madaxa bannaan ayaa waxaa ay si adag u cambaareyeen falka xarigga ee lagula kacay Cabdalla Axmad Muumin oo ah hoggaamiye u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Maxamad Cabdiwahaaab oo ka mid ah mas’uuliyiinta Sar sare ee Ururka Saxafiyiinta Somaaliyeed ee SOMA.
Waxaa uu sheegay inay si adag kaga soo hoorjeedaan xarigga sharci darrada ah ee loo gaystay xoghayaha SJS, ayna ka welwelsan yihiin badqabkiisa, isagoo ugu baaqay madaxda dowladda in si sharuud la’aan u soo daayaaan oo ay xurriyaddiisa dib u siiyaaan.
Sidoo Kale Hanad Cali Guud oo ah xoghayaha tababarrada SJS ayaa dhankiisa si adag u cambaarreyay falka lagu xiray Cabdalla Axmad Muumin, isagoona ka dalbaday madaxda dowladda inay joojiyaan caburinta iyo caga jugleynta ay ku billaaabeeen warbaahinta madaxa babnaan, waxa uuna tilmaamay in wasaaradda warfaafinta ay dhibaaato ku hayso saxafiyiinta Kuna baaqay in labaa bi’iyo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa Sabtidii toddobaadkaan soo saaray Ammaro ku socda Warbaahinta Madaxa bannaan, taas oo danta laga leeyahay ay tahay in la caburiyo Wariyeyaasha iyo Warbaahinta Madaxa bannaan ee ka howlgalla dalkaasi.