Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ugu yeertay Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle iyo Taliyaha Ciidanka NISA ee Gobolka Hiiraan Colaad Dalabeey.
Waxaa uu u yeeritaankooda ka dambeeyay ka dib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan uu ku eedeeyay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada Amniga, islamarkaana dowladda Soomaaliya uu ka codsaday in tallaabo laga qaado waxna laga weydiiyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Baledweyne 3-dii bishan.
Wararka ay heleyso warbaahinta ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho uu si degdeg ah ku yimid Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ,islamarkaana su’aalo lagu weydiinayo Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da, balse taliyaha NISA Colaad Dalabeey uusan wali soo gaarin Muqdisho.
Lama oga tallaabada xigta ay dowladda Soomaaliya ka qaadi doonto labadan mas’uul oo magaalada Muqdisho looga wacay si loogula xisaabtamo qaraxyadii waaweyna ee Ismiidaaminta ahaa ee Beledweyne ka dhacay Isniintii la soo dhaafay, kuwaas oo ay ku dhinteen 30 Ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.
Home Wararka Soomaaliya Taliyeyaasha NISA iyo booliska gobolka Hiiraan oo Muqdisho looga yeeray ka dib...