Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiye Cali jeyte” Waa in tallaabo laga qaada taliyeyaasha booliska iyo nabadsugidda...

DHAGEYSO:Guddoomiye Cali jeyte” Waa in tallaabo laga qaada taliyeyaasha booliska iyo nabadsugidda gobolka Hiiraan”

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa Maalin ka dib faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay magaalada Beledweyne, kaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Waxaa uu sheegay in qaraxyada ay ku dhinteen in ka badan 30 Ruux oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo Shacab, halka 58 qofna ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaar Muqdisho la keenay qaarna Beledweyne lagu daweynayo, sidoo kale qaraxyada ay Guryo farabadan ku burbureen.
Guddoomiyaha Cali jeyte oo wajigiisa laga dheehan karay carro xooggan ayaa sheegay in dhammaan Gawaaridii qaraxyada lagu fuliyay ay ka soo gudbeen Buundada magaalada Beledweyne sababo la xiriira dayac ka yimid Hay’adaah Amniga sida Booliska iyo Nabadsugidda.
Waxaa uu ku eedeeyay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda ee gobolka Hiiraan inay xil iska saari waayeen in la adkeeyo Amniga Magaalada Beledweyne, sidoo kalena laga hortaggo qaraxada Al-Shabaab.
Waxaa uu ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay tallaabo ka qaado labadaasi taliye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments