Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ismaamulka Kisumu oo saxiixay heshiis lagu xoojinaya soo saaridda cunnada

Ismaamulka Kisumu oo saxiixay heshiis lagu xoojinaya soo saaridda cunnada

Dowladda hoose ee ismaamulka Kisumu ayaa heshiis maalgashi la saxiixatay shirkad laga leeyahay Ingiriiska oo loo yaqaano United Green.
Barnaamijkan oo ay dhaqaale ahaan ku baxaysa 250 milyan oo doolar una dhiganta 30 bilyan oo shilin ayaa looga gol-leeyahay in sare loogu qaado soo saaridda cuntada.
Mashruucan ayaa socon doono muddo shan sano ah waxaana la doonaya in lagu yareeyo ku tiirsanaanta cunnada laga keeno dalka dibadiisa.
Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o ayaa sheegay in heshiiskan uu dib u soo nooleyn doono soo saaridda kalluunka , suufka iyo ka ganacsiga caanaha ee Kisumu.
Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay horseedaysa in degmooyinka laga sameeyo abuur casri ah.
Sarkaalka maalgashiga ee shirkadda United Green ,Albrecht Frischenschlager ayaa ballanqaaday inay ganacsatada u abuuri doonaan fursado cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments