DCI oo sheegtay in laga faafiyay war been abuur ah

0
462

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa mid marin habaabin ah ku tilmaantay warbixin lagu qoray wargeys maalinle ah.
Waxaa warbixinta cinwaan looga dhigay in sii hayaha xilka agaasimaha waaxda dambi baarista Massa Hamisi Salim uu waaxda dacwad oogidda wadanka ku dhaliilay qaabka ay baaritaannada u sameyso.
Hasa ahaate waaxdan ayaa barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku caddeysay in warbixinta aan laga soo xigan Hamisi sidoo kalena uunan mas’uulkan marnaba soo hadal qaadin agaasimaha waaxda dacwad oogidda.