Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda ee muddada dheer xilka hayay, Yoweri Museveni ayaa bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku qoray sida uu uga xun yahay in madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta uusan mar saddexaad oo dastuurka ka dhan ah u tartamin doorashadii madaxweynenimo ee dhawaan dhacday.
My only problem with my beloved big brother is that he didn't stand for a third term. We would have won easily! pic.twitter.com/6fmsJSXkii
— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) October 3, 2022
Waxa uu ku kaftamay [inkastoo ay su’aal ka taagan tahay] in Uganda ay duulaan ku qaadeyso Kenya.
Bartan Twitter-ka ayaa la xaqiijiyay inay tahay tan uu leeyahay wilka madxweynaha Uganda, Muhoozi Kainerugaba.
Labo xiddigle janeraal Muhoozi Kainerugaba ayaa sidoo kale bartiisa Twitterka ku soo qoray in aanu dan ka lahayn dastuurka iyo sharciga.
“Annaga waxaan aaminsannahay kacaanka oo keliya, dhawaanna waad baran doontaan,” ayuu yiri janeraal Muhoozi, isagoo u muuqday inuu arrin sir ah fashilayo.
Haha! I love my Kenyan relatives. Constitution? Rule of law? You must be joking! For us there is only the Revolution and you will soon learn about it!
— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) October 3, 2022
Dadka qaar ayaa sheegaya in Janeraal Kainerugaba, oo caan ku ah waxyaabaha hadal haynta dhaliya ee uu mararka qaar ku soo qoro bartiisa Twitter-ka, ayaa loo diyaarinaya inuu beddelo aabihiis, Yoweri Museveni, oo ah madaxweynaha Uganda.
Shacabka Kenya ee arkay qoraalka Twitter-ka uu soo geliyay wiilka Museveni qaarkood ayaa sheegay in ay ku wareereen hadalka ka soo baxay Kainerugaba.
Waxaa kale oo la isweydiinayaa in uu uu caafimaadkiisa taam yahay.
Laakiin janeraalka ayaa mar kale sheegay in ciidankiisu ay ku qabsan karaan caasimadda Kenya laba toddobaad gudahood.
It wouldn't take us, my army and me, 2 weeks to capture Nairobi.
— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) October 3, 2022
Waxaa uu isweydiiyay su’aal ah: “Ka dib markii ay ciidankeennu qabsadan Nairobi, halkee baan degi karaa aniga? Ma Westlands? Mise Riverside?”.
After our army captures Nairobi, where should I live? Westlands? Riverside?
— Muhoozi Kainerugaba (@mkainerugaba) October 3, 2022
Madaxweyne Museveni ayaa xukunka hayay tan iyo 1986-kii, halka Kenya ay 7 doorasho madaxweyne ka dhacday tan iyo sanadlkaasi, iyadoo afar madaxweyne ay isbeddelleen.
Dad badan waxa ay xasuustaan in janeraal Kainerugaba uu falcelin layaab leh ka bixiyay dagaalka Ukraine markii uu billowday ka dib, isagoo taageeray duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka dariska la ah ee Ukraine.
Jananka oo hoggaamiya qayb ka tirsan ciidamada Uganda ayaa tilmaamay in madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu ku saxan yahay duullaanka, islamarkaana dadka intooda badan ee aan caddaanka ahayn ay taageersan yihiin duullaanka Ruushka ee Ukraine”.