In ka badan 15 qof oo ku dhimatay rabshad saameysay xabsi ku yaalla Ecuador

0
307

Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen halka dhowr kalena ay dhaawacmeen ka dib qalalaase laga soo tabiyay xabsi ku yaalla dalka Ecuador oo loo yaqaano Cotopaxi No 1.
Afhayeenka maamulka maareeya xabsiyada dalkaasi ee SNAI, ayaa sheegay in dhibaatadan ay ka dhacday magaalada Latacunga.
Tirada dhaawaca ayuu ku sheegay 20 ruux.
Maamulka madaxweyne Guillermo Lasso ayaa arrintan ku aaneeyay dagaal u dhexeya burcadda oo ku saleysan meelaha ay ka gudbiyaan daroogada .
Guddoomiyaha gobolka Cotopaxi oo ay hoos tagto magaalada Latacunga ,Oswaldo Coronel ayaa warfidiyeenka u sheegay in xaaladdii amni ee jirtay la soo celiyay.
Magaalada Latacunga ayaa masaafo dhan 80 kiilomitir u jirta caasimadda Ecuador ee Quito.
Bishii Toddobaad ayay ahayd markii 12 maxaabiis ah ay ku dhinteen xabsi ku yaalla Santa Domingo halkaasi oo labo bilood ka hor waqtigaasi lagu dilay 43 qof.
Tan iyo bishii Labaad ee sanadkii 2021-kii , rabshado saameeyay xabsiyada wadankaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 400 oo maxaabiis ah.
Xabsiyada Ecuador waxaa ku jiro 33,500 qof , tani oo ah boqolkiiba 11.3 in ka badan tirada ay xabsiyadi xamili karaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here