Abaabulka dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billowday Muqdisho iyo Shabellaha Dhexe

0
276

Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Ciidamo aad u farabadan oo ka mid ah Milateriga Soomaaliya, kuwaas oo gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamadan oo qaban qaabadooda maalmihii la soo dhaafay ay ka socotay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray degmada Cadalle, waxaana ujeedkooda uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamad Cajiib Cismaan Xaadoole iyo Saraakiil Ciidan ayaa hoggaaminaya howlgallada Gobolka Shabeellaha Dhexe looga saarayo Al-Shabaab, kuwaas oo ka billaabanaya deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Dhanka kale waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan Beesha Direed, kaas oo ujeedkiisu ahaa sidii ay uga qaybgeli lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Saalax Axmad Jaamac oo shirka ka qayb galay ayaa sheegay in beeshooda ay ahayd Beeshii ugu horreeysay ee billowda dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo tusaalo u soo qaatay dagaalkii kooxdan lagula galay deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Al-Shabaab aysan jirin cid ay xilligaan dayneyso loona baahan yahay inay dhankooda qayb weyn ku yeeshaan sidii loola dagaalami lahaa Ururkan oo weli ku sugan meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud 1-kii Bishii Shanaad ee May ee sanadkan, ayaa waxaa dalka ka billowday kacdoon Beeleed sababay in deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud lagala wareego Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here