Ku dhawaad 20 qof oo ku dhimatay qaraxyadii maanta ee Beledweyne

0
293

Ku dhawaad 20 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen labo qarax oo waaweyn oo maanta lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee Beledweyne.
Dadka dhintay waxa ka mid ah wasiirka caafimaadka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan.
Dad ku dhow sodon qof ayaa la soo sheegaya inay qaraxyadaasi ku dhaawacmeen.