Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dishay mid ka mid ah aas-aasayaashii Al-Shabaab

0
405

Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaashii ugu sarreeyay ee kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir oo ahaa madaxii dacwadda ee Kooxda Al-Shabaab ahaana mid ka mid ah kuwa ugu awoodda badan ururkan ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu sarkaalkan horay u soo noqday madaxii shuurada iyo maaliyadda kooxdaasi, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaasha kooxda Al-Shabaab.
Waxaa ay intaasi ku dartay inuu ahaa ninkii loo qorsheynayay inuu beddelo hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmad Diiriye Cali oo la sheegay inuu xanuunsan yahay muddo sanado ah.
Sarkaalkan la dilay ayaa madaxiisa waxaa saarnayd lacag, wuxuuna ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibbada caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an in la ciqaabo kuwa ku howlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.