Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Xisbiga waddani oo ka horyimid muddo kordhinta madaxweyne Muuse Biixi

DHAGEYSO:Xisbiga waddani oo ka horyimid muddo kordhinta madaxweyne Muuse Biixi

Xisbiga mucaaradka ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga horyimid muddo kordhintii shalay Golaha Guurtida u sameeyeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo xileedkiisa loogu kordhiyay laba sano.
Musharraxa Xisbiga mucaaradka Cabdiraxmaan Maxamad Cabdullaahi (Cirro) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabadii shalay Golaha Guurtida Somaliland qaadeen ahayd fool-xumadii ugu wayned ee soo martay intii ay qaateen nidaamkan Axsaabta badan.
Waxaa uu sheegay in Somaliland lagu hubsaday god madow oo uu dumay nidaamkii Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ku dhisnaa, isagoona tilmaamay in cirka lagu laalay rajadii Ictiraafka Somaliland, kuna eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inuu si toos ah ugu bareeyay sharci jebin iyo dastuurka uu meel uga dhacay.
Cirro ayaa sheegay in Xisbiga Waddani uu muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweynaha Somaliland uu u aqoonsan yahay in ay ku egtahay 13-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Wixiii mudaddaas ka dambeeya Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ayuu sheegay in aysan aqoonsan doonin kuwa sharciyad ku fadhiya.
Waxkasto oo ka dhasho muddo kordhinta ayuu sheegay in mas’uuliyadeeda uu qaadan doona madaxweynaha Somaliland.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u kordhiyay laba sano, iyagoona sidoo kalena Golaha kordhistay 5 sano.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments