2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kirinyaga

0
318

Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay ku dhimatay shil saaka ka dhacay ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Shilka oo u dhexeyay mooto iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka ayaa laga soo tabiyay aagga Samson Corner ee waddada wayn ee xiriirisa Mwea iyo Embu.
Wadihii mootada iyo qof rakaab ah oo uu waday ayaa isla goobta shilka ku nafwaayay.
Guddoomiye xaafadeedka aaggaasi Naftaty Ndege ayaa gaadiidleyda ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan oo ay u hoggaansamaan xeerarka taraafikada.