Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Weerar boolis lagu waxyeleeyay oo ka dhacay Kisumu

Weerar boolis lagu waxyeleeyay oo ka dhacay Kisumu

Sarkaal boolis ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay ismaamulka Kisumu halka labo kalena la dhaawacay.
Koox ka tirsan laamaha ammaanka ayaa tagay xaafadda Pap Onditi ee deegaanka Nyakach si ay u soo qabtaan eedeysane halkaasi ku sugnaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha ay howlgal ka sameynayeen guriga tuhmanaha oo isagoo ku hubeysan nooca qoriga ee AK47 rasaas ku furay saraakiisha.
Booliska ayaa dhacdadaasi ka falceliyay ka hor inta uunan eedeysanaha ku baxsan mooto in kastoo la dhaawacay.
Labada askari ee ku dhaawacmay is rasaasaynta ayaa hadda lagu daaweynaya isbitaalka Jaramogi Oginga Odinga .
Meydka askariga la toogtay ayaa loo qaaday goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Star Hospital.
Warbixinta booliska waxa ku cad in la howlgeliyay saraakiil ka tirsan waaxyaha kala duwan ee amniga si ay gacanta ugu soo dhigaan tuhmanaha oo lala xiriirinayo falal dhac hantiyeed ah oo laga soo tabiyay ismaamullada Kisumu, Homa Bay iyo Migori.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments