Hiiraan: Dad shacab ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday ceel biyood oo ay Al-Shabaab sumeeyeen

0
236

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Jiqoow oo ka tirsan deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi ay u geeriyooday biyo sumeysan oo ay ka cabeen Ceel biyoodkii deegaanka Ceel Jiqoow.
Alle ha u naxariiste labada ruux ee cabay biyaha sumeysan ayaa lagu kala magacaabi jiray Saneey Abiikar Aadan iyo Maxamad Uul Nuur, waxaana sidoo kale biyahaasi sumeysan ku waxyeeloobay ilaa shan ruux oo kale oo haatan lagula tacaalayo xaaladooda caafimaad Isbitaalka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ceel biyoodka deegaanka Ceel Jiqoow oo ay bishan gudaheeda qarxiyeen Al-Shabaab ayaa dib u hagaajintiisa dadka deegaanka maalmahii la soo dhaafay ay ku howlanayeen, waxaana qof ka mid ah dadka deegaanka uu sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay Ceelka sumeyeen xilli laga kala maqnaa, taasina ay keentay in labada ruux dhintaan shan kalena ay ku sumoobeen biyaha Ceelka deegaanka Ceel Jiqoow.
Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisley ay la wareegeen ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda uu toogasho ku dilay wiil yar oo ka mid ahaa dadka ku nool degmada Moqokori, islamarkaana aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka yar oo ku sugnaa Ceel biyoodka degmadaaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here