Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya ATMIS: Ciidanka Soomaaliya waxay hadda awood u leeyihiin in ay la wareegi...

ATMIS: Ciidanka Soomaaliya waxay hadda awood u leeyihiin in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda amniga ee dalkooda

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS, ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay ka soo hoyeen howlgallada amni ee Shabaab looga xoraynayo wadankaasi.
Howlgalka ATMIS ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay soo bandhigeen awoodooda weerar, taas oo u surtagelisay inay gacanta ku dhigaan deegaanno ee in ka badan 10 sano gacanta ugu jiray kooxda Al-Shabaab.
ATMIS ayaa intaasi ku dartay in howlgallada ciidan ee socda ay caddeyn u yihiin in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in ay horseed u noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayna la wareegi karaan mas’uuliyadda amniga dalkooda.
“ATMIS waxay ku adkaysanaysaa in ciidan Soomaaliyeed oo si xirfadeysan u tababaran oo si wanaagsan u qalabeysan ay runtii yihiin kuwo wax ka beddela dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ATMIS.
Dhammaadka sanadka 2024-ka, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalkooda, iyadoo la soo afjarayo howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan haysata ciidamo aad u tababaran oo la carbinayay shantii sano ee la soo dhaafay, sidoo kale ilaa shan kun iyo dheeraad askari ayaa haatan wadanka Eritrea lagu tababaray, kuwaas oo aan weli dalka lagu soo celin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments