Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliska Garoowe oo amarro ku soo rogay dadka shacabka ah

Booliska Garoowe oo amarro ku soo rogay dadka shacabka ah

Ciidanka booliska maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa soo rogay amarro la doonaayo in lagi xaqiijiyo Ammaanka Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulkaasi
Booliska Garowe ayaa waxay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya qof kasta oo ka safraya magaalada Garoowe laga doonayo inuu damiin keensado, si loogu fasaxo Safarkiisa.
Axmed Maxamuud Cali, oo ku magacaaban Taliyaha saddexda kantarool ee laga soo galo Magaalada Garoowe, ayaa sidoo kale tilmaamay in qofka safraya laga rabo inuu caddeeyo ujeedka safarkiisa iyo halka uu tegi doono.
Taliyaha ayaa xusay in Garoowe uu ka bilowday baaritaan ku saabsan xaqiijinta Amniga, sidaas darteedna dhammaan dadka magaalada ka baxaya iyo kuwa soo gelaya uu saamayn doono baaritaankaas.
Tallaabadan ayaa lagu xoojinayaa Ammaanka guud ee caasimadda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Garoowe oo lagu tiriyo magaalooyinka ugu Amniga fiican guud ahaan dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments