Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in la qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay kooxda Al-Shabaab.
NiSA ayaa sheegtay in tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayo cid walba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa howlaha ay Al-Shabaab ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.
Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay Argagixisada. Hadda ka dib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.
— NISA (@HSNQ_NISA) September 25, 2022
Dhanka kale, Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay dadkan, ayaa sheegay inay yihiin toddobo qof oo isugu jira nabadoono, haween iyo ganacsato kuwaas oo tagay deegaannada Al-Shabaab, ka dib markii ay ajiibeen amar ka soo baxay kooxdaasi.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in toddobada qof farriin loo soo dhiibay islamarkaana ay jebiyeen go’aankii dowladda ee ahaa inaan loo tegi karin Al-Shabaab.
Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Maxamad Cabdullaahi Khaliif, ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono, laguna qaadi doono shareecada Islaamka, islamarkaana in la dambi yihiin Al-Shabaabka dadka laynaya.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ka digay in la adeeco awaamiirta Al-Shabaab, isagoo sheegay in dowladda tallaabo ka qaadeyso cid kasta oo ururkaasi danahooda fulisa.