Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo 22 qof Kenyan ah ka soo badbaadisay koox dadka tahriibisa...

Dowladda oo 22 qof Kenyan ah ka soo badbaadisay koox dadka tahriibisa oo ku sugan qaaradda Asia

Dowladda dhexe ayaa 22 qof oo Kenyan ah soo badbaadisay, kuwaasoo dhibbanayaal uu ahaa koox dadka tahribiisa oo ku sugan jasiiradda Laos oo ku taalla koonfurta bari ee qaaradda Asia.
Waxaa sido kale laga cabsi qabaa in dad kale ay ku xayiran yihiin wadanka Myanmar oo doonaya in la soo badbaadiyo.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa lagu sheegay in sidoo kale labo qof oo u dhashay dalalka Uganda iyo Burundi lagu soo badbaadiyay howlgalka.
Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqday in dadaal ay iska kaashadeen Kenya, dowladda jasiiradda Laos iyo hay’adda caalamiga ee socdaalka ee (IOM) ay horseeday in dadkan laga soo badbaadiyo shakhsiyaadka wax tahriibiya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka la soo badbaadiyay ay gacanta ku hayaan hay’ado kala duwan oo dowli ah.
Dowladda Kenya ayaa ka shakisan in meelihii dadkan laga soo badbaadiyay ay noqon karaan goobo lagu keydiyo xubnaha jirka bini’aadamka.
Dowladda ayaa dadweynaha ku boorrisay inay fiiro gaar ah u yeeshaan dadka wax tahriibiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments