Afti saaka ka billaabatay dhulalka la haysto ee Ukraine

0
304

Waxaa lagu soo warramaya in aroornimadi hore ee saaka ay afar goobood oo ka tirsan dalka Ukraine oo uu maamulo Ruushka iyo xooggaga taageersan xukumaada Moscow, ay ka billaabatay afti ay ku doonayaan inay ku biiraan Ruushka.
Tallaabadan ayaa si wayn u cambaareeyeen reer galbeedka, kuna tilmaameen mid sharci darro ah.
Codbixinta ayaa billaabatay 5-tii aroornimo ee saacadda maxalliga ee dalkaasi.
Goobaha afti ka dhaceyso ayaa waxaa ka mid ah gobollada kala ah Donetsk, Lugansk oo dhanka bari xiga ee dalka Ukraine iyo Kherson, Zaporizhzhia ee dhanka koonfurta wadankaasi.
Afartan gobol ayaa u dhigma boqolkiiba 15 ee guud ahaan dhulalka wadanka Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here