Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada New York kula kulmay dhigiisa wadanka Maraykanka Joe Biden, intii uu socday shirka 77-aad ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay (UNGA).
William Ruto ayaa sidoo kale wehlineysay marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto.
Labada hoggaamiye ayaa sheegeen in 2 dal ay iska kaashan doonaan sidii Afrika ay horumar u gaari lahayd.
“Kenya waxay sii wadi doontaa ballaarinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ay la leedhahay Maraykanka si loo hormariyo nabadda iyo barwaaqada Afrika,” ayuu yiri Dr. Ruto
Goor sii horreysay ee shalay, madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale la kulmay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken.
Kenya will continue expanding its strategic partnership with the United States of America to advance peace and prosperity in Africa.
With Rachel at a reception hosted by the @POTUS during the 77th Session of the United Nations General Assembly, New York. pic.twitter.com/lbmKma9CCq
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 22, 2022