Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Wasiirka maaliyadda ee dalka oo sheegay in wax dhaqaale ah la siin...

Wasiirka maaliyadda ee dalka oo sheegay in wax dhaqaale ah la siin doonin sanduuqa CDF-ta

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani ayaa shaaciyay in wax dhaqaale ah aan la siin doonin sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta, maadaama ay maxkamdda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court sharci darro ku tilmaantay.
Sharci ahaanshaha sanduuqa CDF-ta oo ay sharaxaad dheer ah ka bixisay madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome, ayay sheegtay inuu waxba kama jiraan yahay maadaama sida ay tilmaantay in sanduuqa uu sababay kala qaybsanaanta howlaha shaqo ee dowladda dhexe iyo dowlad deegaannada wadanka ka jira.
Waxaa ay intaasi ku dartay in maadaama loo soo gudbiyay dacwad ka dhan ah sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta sanadkan gudihiisa, in maxkamdda ugu sarreysa wadanka ay qabto inaysan dastuuri ahayn in dhaqaale loo qoondeeyo CDF ka hor inta aan la qaybsanin dakhliga dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa sheegay inuu la tashi la sameyn doono xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Mr. Kihara Kariuki, isagoo wali ilaalinaya xeerarka wadanka u dagsan islamarkaana aan wax dhaqaale ah ku bixin doonin sanduuqa CDF-ta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments