Cleophas Malala iyo Silvanus Osoro oo isu dhiibay booliska ka dib markii lala xiriiriyay rabshado dhawaan dhacay

0
613

Senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii Silvanus Osoro ayaa la xiray ka dib markii ay isku soo dhiibeen saraakiisha booliska.
Labada mudane ayaa loo haystaa in ay ku lug lahaayeen rabshadihii hareeyay deegaanadii ay dhawaan ka dhaceen doorashooyinkii ku celiska ahaa.
Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii Silvanus Osoro ayaa maanta iska dhiibay xarunta waaxda dambi baarista ee DCI-da laanteeda ismaamulka Kisii ka dib markii uu baxsad ku jiray tan iyo maalinkii khamiista ee toddobaadki hore.
Mr. Osoro ayaa loo haysta inuu qayb ka ahaa khalalaasihii ka dhacay codeyntii ku celiska ee deegaanka Kiamokama ee dowlad deegaanka Kisii.
Xildhibaanka ayaa waxaa wehlinayay qareenadiisa kala ah Alice Wahome, Gladys Shollei iyo Wilkins Ochoki.
Waxaana la dhigay xabsiga iyadoo lagu wadaa in maxkamad la soo taago.
Senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayaa isu dhiibay booliska ee xafiiska waaxda DCI-da ee dowlad deegaankaasi ka dib markii guddiga madaxa bannan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka IEBC uu farta ku fiiqay in Mr. Malala u ahaa qofkii abaabulay weerarkii loo gaystay haweenay ka tirsan saraakiisha guddigan ee deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega.
Dhanka kale qaar ka mid ah 10 siyaasi oo looga yeeray xarunta dhexe ee guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC si ay farriimo u qoraan ayaa maanta iska xaadiriyay xafiisyada guddigan.