Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay 127 ka tirsan Al-Shabaab

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay 127 ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa macawiisleyda iyo dadka deeegaanka ee hubka qaatay ayaa weli waxaa ay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wadaan deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Taliyaha ciidanka dhulka ee Soomaaliya Janeraal Biixi ayaa sheegay in intooda badan laga saaray Al-Shabaab deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay socdaan howlgallada deegaannada Gobolka Galgaduud ay ùga saarayaan ururuka Al-Shabaab.
Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa macawiisleyda ay howlgallada ku dileen 127 dagaalamayaal oo ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa uu u mahadceliyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo xooggaga macawiisleyda.

Guluf ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa sababay in Al-Shabaab ay isaga baxaan deegaano dhowr ah, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ka go’an tahay in meelaha ay ururkan dalka ka joogaan ay ka saarto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments