Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay

Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho iyo guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay

Qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku geeriyooday magalada Muqdisho.
“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow,” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dalkeena, Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa Xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments