Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah mucaaradka jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhaliilay hadal madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay dalka Mareykanka, oo ahaa in dowladdiisu aynan marnaba ogolaaneyn in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay Soomaalida ku dhaqan magaalada Washington ee wadanka Mareykanka iyo nawaaxigeeda ayaa sheegay in dowladdiisu aysan aqbalayn gooni isu-taagga Somaliland islamarkaana wax gorgortan ah ka gali doonin midnimada Soomaaliya.
Balse hadalkaasi ayaa ka caraysiiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadalka Xasan Sheekh ee ku qotoma gooni isu taagga Somaliland.
“Horta gooni isu taagga Somaliland waxa uu ahaa go’aan ay soo gooyeen oo isku raaceen shacabka Somaliland, hadba madaxdii joogtana wakiil ka ahayd, taana ma ahan mid Xasan Sheekh iyo Xamar nin jooga wax laga weydiinayo.”
“32 sano dal madax bannan baanu ahayn, hadalka aad tiri cadaawadda unbuu sii kordhinayaa, caqli xumana wey tahay marka waxaan ku leeyahay laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah mooyaane waa haddii ay adiga ku deeqeyso.”
Muuse Biixi oo sidoo kale ka jawaabayay hadalkii Xasan Sheekh ee ahaa: “Waxaan oggolahay in wixii hormarin ah aan siino, ma dooneyno inaan culeys ku saarno muruqayaga siyaasadeed,” ayuu yiri: Haddii aad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay, maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ah ee Afrika soo uruurisay.”
“Waxaan la yaabanahay inaan faanto oo aad tiraahdo Somaliland muruqeyga uma isticmaalayo adigoo Burundi iyo Uganda ku ilaaliyaan,”ayuu yiri Muuse Biixi.
Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.
Tan iyo xilligaas waxay mas’uuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.
Waxaa jiray wadahadallo dhowr ah oo dhexmaray labada dhinac oo ugu dambeeyay kii Jabuuti ka dhacay kaas oo aysan ka soo bixin natiijo wax ku ool ah.
Home Wararka Soomaaliya Muuse Biixi “Xasanow adigoo Burundi iyo Uganda ay ku ilaaliyaan Somaliland uma...