Madaxweyne Xasan Sh “Somaliland kama aqbaleyno gooni isu taag nooc walba”

0
334

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka hadlay arrinta Somaliland iyo sida laga yeelayo gooni isku taagga jamhuuriyadaasi oo sheegtay inay go’een Soomaaliya inteeda kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeedinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Washington ayaa waxaa uu sheegay marka in siyaasadda Somaliland ay dowladda Soomaaliya ku dhaqmeyso ay tahay mid aan Colaad iyo faragelin laheyn.
Waxaa uu tilmaamay in marnaba aysan dowladda Soomaaliya aqbaleynin in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale qaab kasta oo ay arrintaas ku timaado, islamarkaana Somaliland ay walaalo la yihiin dowladda Federaalka.
“Annaga gooni isku taag nooc walba oo uu noqdo ma aqbaleyno, qaab kasta oo uu ku yimaado haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, si cad ayaan u sheegeynaa ma ogolaan doono,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa uu Sidoo kale caddeeyay inay diyaar u yihiin wada xaajood iyo in wax walba lagu dhammeeyo isfaham, ayna xitaa u ogol yihiin inay iyaga soo diyaariyaan qaabka loo heshiinayo iyo qodobbada heshiiska.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jamhuriyadda Somaliland uga baaqay inay iska iloobaan fikradda gooni isku taagga oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceyso midnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here