DHAGEYSO:Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya oo baaq u diray ganacsatada iyo hay’adaha gurmadka

0
319

Ku simaha madaxweynaha dalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamad Nuur (Madoobe) oo ka hadlay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mid gobollada dalkaasi, ayaa baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo hay’addaha deeqda bixiya in ay sii laba jibaaraan dadaallada lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.
Guddomiyaha ayaa sheegay in warbixinnadii ugu dambeeyay ee soo garay lagu sheegay in meelo ka mid ah Soomaaliya dadku ay gaajo iyo haraad u dhimanayaan.