Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maalintii Saddexaad oo xiriir ah ay maleeshiyaad hubeysan uu u xiran yahay Koontoroolka laga soo galo Magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xayiran yihiin Gaadiid aad u farabadan oo u kala socday gobollada kala duwan ee Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa waxaay warbaahinta gudaha Soomaaliya u sheegeen in maleeshiyaadka oo gadoodsan ay Bara Koontorool ku xayireen gawaarida waaweyn ee ka yimaada magaalada xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halka kuwa yar-yar ee isaga kala goosha Gaalkacyo iyo Garowe ay maleeshiyadku weydinayaan inay lacago bixiyaan.
Maleeshiyaadkaan ayaa la sheegay inay dhammaan xireen waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug, waxaana taasi ay keentay inay istaagaan gawaarida raashinka iyo Agabyada kala duwan ka soo qaada dekadda magaalada Boosaaso ee keena magaalada Gaalkacyo.
Madaxda Sare ee Maamulka Puntland iyo laamaha Amniga Gobolka Mudug ayaa weli ka hadlin tallaabadan ay qaadeen maleeshiyaadka hubeysan, waxaana socda dadaalo ay wadaan Odayaasha dhaqanka deegaanka oo ay ku doonayaan inay xalliyaan xiisadda ka taagan magaalada Xarfo.