Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay rag Shabaab ah isku soo dhiibeen

Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay rag Shabaab ah isku soo dhiibeen

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka Oktoober ee ku sugan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xubno ka tirsan Dagaalameyaasha Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada.
Laba xubnood oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Isaaq Cumar Ibraahim, iyo Qaasim Cabdulaahi Cali, waxayna tilmaameen inay shabaabka u qaabilsanaayeen dhinaca amniyaadka iyo kuwa fuliya dilalka qorsheysan.
Sidoo kale labadaan Nin ayay Ciidamadu Xuseen inay u sheegeen inay Go’aan ku gaareen ka bixitaanka Al-shabaab, isla markaana ay kasoo tegeen deegaankii ay ka howlgalayeen, kadibna ay xiriir lasoo sameeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, sidaasina ay isku dhiibeen
Taliyaha Ururka 14-aad guutada 14-ka Oktoober ee Ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Cabduqaadir Maxamed Muunye oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in labada xubnood ee Al-shabaab kasoo baxsaday ay uga hortageen degaanka shalaanbood, ayna halkaas kasoo wadeen.
Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horey isugu dhiibay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana soo bandhigay xubnaha qaarkood, weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan Saraakiisha la sheegay inay ka tirsanaayeen ee isku dhiibay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya eek u sugan gobolka Shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments