Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo wax ka qabasahada abaaraha ee madaxweynah Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa isku dayaya inuu indhaha caalamka ku soo jeediyo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya iyo in gargaar dheeri ah loo helo wax ka qabashada abaaraha.
“Waxaan halkan u joognaa olole aan ugu soo jeedineyno dareenkeena dhibaatada baaxadda leh iyo heerka ay mareyso masiibada bini’aadannimo ee Soomaaliya,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame yiri xilli uu la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.
Malaayiin qof ayaa halis ugu jira inay macluul u dhintaan guud ahaan Geeska Afrika oo ku jira abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah ka dib afar xilli oo roobaadkii ay di’i waayeen, kuwaas oo sababay in xoolihii iyo dalaggii ay dhammaadaan.
Intii lagu guda jiray kulamo uu la yeeshay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah tan iyo billowgii toddobaadkan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku celceliyay in weli farqi weyn uu u dhexeeyo gargaarka la ballanqaaday iyo baahida dhaqaale ee Soomaaliya ee hadda.
“Haddii aan la helin jawaab bini’aadannimo oo ku filan macluusha ayaa dhici doonta,” ayuu ka digay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay dhamaadkii bishii Siddeedaad ee sanadkan inay heshay boqolkiiba 67 ka mid ah 1.5 bilyan oo doolar oo ah gargaarkii loogu talagalay Soomaaliya.
Madaxa gargaarka bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa toddobaadkii hore sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay macluul markii labaad muddo toban sano gudahood ah.
Affecting over 7.8 million people in Somalia, the current drought has already surpassed 2011 in terms of duration & severity. As we await a deeply concerning fifth failed rainy season, the needs of vulnerable ppl across the country are escalating fast. I fear for what is to come
— Abdirahman Abdishakur (@AAbdishakur) September 14, 2022
Climate change is devastating the HOA. In Somalia, we are enduring a third drought in just over ten years. In 2011, the drought led to a heart-breaking famine, which claimed the lives of a harrowing 250,000 people across our country. Today’s situation is scarily similar.
— Abdirahman Abdishakur (@AAbdishakur) September 14, 2022