Guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kisii James Ongwae oo horay uga tirsanaa isbeheysiga Azimio ayaa ku biiray Kenya Kwanza.
Waxaa uu maanta hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha la doortay William Ruto oo isbeheysigan hoggaamiyo.
Tallaabada uu qaaday Ongwae waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxa xoghaynta xisbiga UDA ee Koonfurta gobolka Nyanza Okengo Nyambane .
James Ongwae ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka oo ay sawirro weheliyaan ku sheegay in isaga iyo William Ruto ay yeesheen wada hadallo wax ku ool ah.
Insightful discussions with the 5th President of Kenya @WilliamsRuto
Congratulations Mr. President, best wishes, good health & God's favour in your tenure as you steer our country towards economy recovery.
MUNGU Abariki Kenya! pic.twitter.com/DUIgjlJTki— H.E. James E.O.Ongwae, EGH. (@JamesOngwae) September 9, 2022