Uhuru oo loogu baaqay inuu wareejiyo jagada guddoomiyaha Azimio

0
573

Madaxweynaha dalka ee xafiiska baneynaya Uhuru Kenyatta ayaa loo soo jeediyay inuu wareejiyo jagada guddoomiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya.
Waxaa baaqan soo saaray madaxa howlgalka caalamiga ee kormeerka doorashooyinka ee PIMAC International Pius Masai.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in Uhuru Kenyatta uu yahay hoggaamiye qaran oo la doonayo inuu dhexdhexaad noqdo si ay wada tashi ula sameyso cid kasta iyadoo aan la eegayn xisbiga ay matasho.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in jagada guddoomiyaha Azimio ee uu hayo Mr. Kenyatta ay shakhsiyaadka ka tirsan xisbiyada kale ka hor istaagi karto inay ku dhiirradaan inay wax ka waydiiyaan xikmaddii uu dalka ku hoggaaminayay 10 sano.
Pius Masai ayaa saaxiibada iyo hay’adaha uu iskaashiga kala dhexeya Kenya ka codsaday inay taageeraan barnaamijyada horumarineed , xoojinta nabadda iyo wacyigelinta dadweynaha ee dhanka doorashooyinka.