Safaricom Foundation oo tababar siisay in ka badan 36,000 oo arday ah

0
229

Safaricom Foundation oo ah hay’adda tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa tababar ku saabsan xirfadaha wax akhrinta iyo xisaabaadka siisay ugu yaraan 36,000 oo arday ah.
Waxay ka faa’iideysteen barnaamij goboleed magaciisu loo soo gaabiyo (RELI)
Barnaamijkan ayaa la billaabay sanadkii 2018-kii waxaana lagu bartilmaameedsanayay arday wax ka barta in ka badan 150 dugsi oo ku yaalla ismaamullada Bungoma, Tana River iyo Turkana.
Sidoo kale waxaa tababar loo fidiyay 182 ka mid ah maamulayaasha dugsiyada iyo macallimiin gaaraya 265.
Guddoomiyaha hay’adda Safaricom Foundation Joe Ogutu, ayaa sheegay inay sidoo kale qaybiyeen in ka badan 100,000 oo ah buugaagta la akhristo.