Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida boqoraddii Ingiriiska

0
262

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku biiray hoggaamiyaasha kale ee caalamka isagoo diray farriin tacsi ah oo la xiriirta geeridii shalay ku timid boqoraddii Ingiriiska Queen Elizabeth II.
Waxaa uu sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoyska ay ka baxday , ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Liz Truss iyo shacabka Britain.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in boqoradda oo ahayd 96 sano jir ay si hagar la’aan ah uga shaqeysay baniaadannimada.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu ka naxay geerideeda oo dowladda iyo dadweynaha Kenya ay garab istaag u muujinayaan Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa tacsi tani la mid ah diray madaxweynaha la doortay William Ruto oo sheegay in Elizabeth ay 70-kii sano ee la soo dhaafay hoggaan lagu daydo u ahayd dalalka barwaaqa sooranka ee Commonwealth.
Waxaa uu tilmaamay inay horseedday iskaashi dhinacyo badan ah oo fududeeyay horumar dhaqan-dhaqaale oo baaxad leh.
William Ruto waxaa uu intaasi ku daray in la tabi doono xiriirkii wanaagsanaa ee ay boqoraddu la lahayd Kenya intii ay noolayd.

Elizabeth Alexandra Mary Windsor ayaa iyadoo 25 sano jir ah boqorad noqotay sanadkii 1952-dii.