Sacuudiga oo COVID-19 ka tallaalay in ka badan 178,000

0
731

Wasaaradda caafimaadka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 178,000 oo qof la siiyay tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona.
Afhayeenka wasaaraddan Dr. Maxamad Al-Cabd Al-Caly ayaa xusay inay qorsheynayaan in tallaalka uu gaaro dhammaan shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay sameynayaan wax kasta oo ay awoodaan si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda gudaha Sacuudi Carabiya laga diiwaangeliyay xaaladaha cudurka COVID-19 oo dhan 363,809.