Golaha wasiirrada Soomaaliya oo bogaadiyay abaabul beeluhu uga hortagayaan Al-Shabaab

0
269

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay abaabulka iyo dhiiranaanta ay beelaha Soomaaliyeed uga hortagayaan ururka Al-Shabaab oo ay ku eedeeyeen inuu banneystay naftooda iyo maalkooda.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu shir guddoominayay kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay dib u xoraynta deegaannada Al-Shabaab inay tahay mid ka mid ah halbeegyada hortabinta u leh barnaamijka xukuumadda.
Golaha ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida oo taageeraya howlgallada Al-Shabaab lagula dagaalamayo.
Hadalka golaha wasiiradda ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii Al-Shabaab ay ku hanjabeen inay la dagaalamayaan qabaa’il kasto oo dowladda la soo safta.
Haatan, gobollada Hiiraan iyo Galgaduud waxaa ka socda abaabul xooggan oo qaar ka mid ah beeluhu isugu diyaarinayaan inay dagaal midaysan ku qaadaan Al-Shabaab.
Arrintaan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii dhawaan urukan ay gobolka Hiiraan ku laayeen dad shacab ah islamarkaana ay gubeen gawaari raashin siday, ceelal iyo tuulooyin.