Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay ku howlan tahay dib u dhis lagu sameynayo Ciidamadooda kala duwan si ay ugu guuleystaan sugidda Amniga Guud ee deegaannada maamulkaasi.
Waxaa uu sheegay in Puntland leedhahay Aar Ciidan oo kala ah, Daraawiish, Boolis, Asluub iyo nabadsugid, balse aysan yeelan karin Ciidamo u Shaqeeyo Ururo gaar ah oo ka howlgalla deegaannada Maamulkaasi.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa intaasi ku daray in mar walba ay muhiim tahay in la ilaaliyo nidaamka iyo Sharciga u degsan Ciidamada Puntland.
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Ciidamada daraawiishta Puntland ee dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha.