Qarax ka dhacay gobolka Bakool oo ay waxyeelo ka dhalatay

0
1117

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa Waxay sheegayaan in Weerar loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso lagu dilay seddax askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, xilli ay marayeen duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Sidoo kale qaraxaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacay askari kale, waxaana la sheegay in qaraxa kadib ay ciidamadu rasaa.
Qaraxa kadib ciidamada booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa gudaha iyo daafaha degmada Waajid ka bilaabay howlgallo ay ku baacsanayaan raggii qaraxa geliyey goobtaas, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada loo baaray gurguri.
Dhinka kale wararka aan ka heleyno gobolka Bakool waxay sheegayaan in ururka Al-Shabaab ay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaano badan oo gobolkaas ka tirsan ku amreen inay isaga guuraan deegaanadooda, iyagoo aan shaacin sababta ay halkaas dadka uga rarayaan.