Dowladda Somaliland ayaa Maanta Goob fagaaro ah oo ku taalla Bannaanka Xabsiga Mandheera ayay ku toogatay Afar Ruux oo lagu eedeyay inay horay dilal u gaysteen, kuwaas oo Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay horay xukun dil ah ugu riday.
Afarta ruux ayaa waxaa ku jira Korneyl ka tirsanaa Ciidanka Milateriga Somaliland, kaasi oo horay Magaalada Hargeysa ugu dilay Gabar lagu Magacaabi jiray Najma Cabdullaahi Maykal, halka eedeysane Shanaad dilkiisa la joojiyay ka dib markii laga heshiiyay, isaga oo tiirka ku xiran.
Goobta toogashada ayaa waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah Ehellada dadka la toogtay iyo dadkii ay horay u dileen iyo qaar ka mid ah dad u soo daawasho tegay sida uu u dhacao falka qisaasta toogashada ah.
Qaar ka mid ah Ehellada dadkii horay u dileen ragga Maanta la toogtay ayaa soo dhaweeyay xukunka qisaasta ah, iyaga oo sheegay in si cadaalad ah uu u dhacay, islamarkaana ay dalbanayaan in qof kasta oo dil gaysto sidaan loo qisaaso.