Madaxweyne Xasan Sh “Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan darrada argagixisada”

0
331

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay falkii bahalnimada ahaa ee kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen muwaaddiniin Soomaaliyeed oo nolol maalmeedkooda caadiga ah watay, kuwaasi oo ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala hoos yimaada Gobolka Hiiraan ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.
Waxaa uu tilmaamay in ficillada gurracan ee Al-Shabaab, ee aan sal iyo raad toonna ku lahayn diinta Islaamka, waddaniyadda iyo dhaqanka suubban, ay tusaale u yihiin cadaawadda ay u qabaan shacabkeenna birimageydada ah iyo sida ay caqabadda ugu yihiin guud ahaan horumarka dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Al-Shabaab aysan Shacabka Soomaaliyeed u oggolayn nolol, nabad, xasillooni, amni iyo hurumar, taa beddelkeedana ay isku dayayaan cabsi gelinta, daadinta dhiigga muwaadiniinta, dhaca hantidooda, burburinta ceelasha ay dadka reer miyiga ah xoolaha ka waraabsadaan iyo xasuuqa dadka rayidka ah.
“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan darrada argagixisada banneysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah argagixisada”
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo is garabsanaya ay tallaabooyin wadajir oo degdeg ah qaadayaan kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo Argagixisada Al-Shabaab, si loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u gaysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee Dowlad goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka.