33 milyan oo qof oo ay saameyn ka soo gaartay fatahaadaha dalka Pakistan

0
537

Hay’adaha samafalka iyo mas’uuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka wadankaasi oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca muddo tobannaan sannadood ah.
Daadadka ayaa gaystay burbur, iyadoo uu saameeyey ilaa 33 milyan oo qof, waxaana fatahadaasi ay sababeen dhimashada ku dhawaad 1,200 oo ruux, labadii bilood ee la soo dhaafay.
Wasiirka isbeddelka cimilada ee Pakistan ayaa sheegtay, in saddex meelood oo meel ka mid ah dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taas oo abuuraysa dhibaato aan la qiyaasi karin.
Waxaa ay intaasi ku dartay in haatan uu dhulkii Pakistan u muuqdo sidii badweyn oo kale oo aynan jirin meel biyaha loo saaraa, maadaama meel walba ay biyo fadhiyaan.
Maamulka maareynta musiibooyinka ee (NDMA), oo hoggaaminaya ka jawaabista, isku dubaridka qiimeynta iyo jiheynta gargaarka bini’aadanimo ee dadka ay saameeyeen daadadku, ayaa ku dhawaaqday in 72 ka mid ah 160-ka degmo ee uu dalkaasi ka kooban yahay inay haatan ka jirto musiibo ka dhalatay roobabku.
NDMA ayaa xustay in ugu yaraan hal milyan oo guri, 162 buundo iyo ku dhawaad 3,500 kiilomitir oo waddooyin ah ay waxyeelo soo gaartay oo ay daadadku burburiyeen.
Daadadka ayaa sidoo kale dilay in ka badan 800,000 oo xoolo ah, waxayna waxyeello u gaysteen beero iyo dalagyo muhiim ah.