Sacuudiga oo billaabay wajiga 2-aad ee gargaarka Soomaaliya oo ku kacaya dhaqaale dhan 13 milyan oo doolar

0
440

Xarunta Gargaarka Bini’aadinimada ee ee boqor Salmaan ee dalka Sacuudiga ayaa daahfurtay wajiga labaad ee gurmadka degdega ah ee loo fidinayo Soomaaliya si loo yareeyo saameynta abaarta.
Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in lacag ku dhow 13 milyan oo doolar ku garab istaagayso dadka dhibaataysan iyo kuwa u baahan bini’aadantinimo iyo sii wadida doorka ay ku leedhahay ka hortagga macluusha Soomaaliya.
“Annaga oo ka duulayna awaamiirta Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ah in la garab istaago dadka tabaalaysan ee dalalka walaalaha ah iyo kuwa saaxiibbada ah, waxaan daahfurnay wajigii labaad ee gargaarka degdegga ah si ay uga qayb qaataan daboolidda baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Boqor Salmaan.
Dhaqaale dhan 47.214 milyan oo ah lacagta Riyaalka ee Sacuudiga una dhiganta 12.9 milyan oo doolar ayay boqortooyada ku taageeraysa barnaamijyada cuntada iyo nafaqeynta carruurta iyo in biyo iyo hooy la siiyo barakacayaasha abaaraha.
Wajigii koowaad ee taageerada Sacuudiga oo lagu qiimeeyay lacag dhan 7.18 milyan oo doolar, ayaa gacan ka gaysatay wax ka qabashada macluusha iyo saameynteeda.