Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabeynaya socdaal afar cisho qaatay oo uu ku joogo magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.
Waxaa uu kulamo la qaatay Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ku xigeenkiisa Axmad Cilmi Cismaan, iyagoo kawada hadlay xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Waxaa la filayaa qodobbadan iyo kuwo kale oo ay kawada hadleen labada nadaxweyne in lagu soo bandhigo war-saxafaaddeed maanta la sii daynayo, iyagoo labada mas’uul la hadli doona warbaahinta markii ugu horreysay maalmo ka dib imaatinka Xasan Sheekh.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta lagu wadaa inta uusan Muqdisho ku laaban inuu la kulmo bulshada rayidka ah sida waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu uga dhageysto tallooyinkooda.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta soo gabagabeynaya socdaalka uu ku joogo magaalada...